Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Deni oo jawaab ka bixiyey hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ololihiisa doorashada ka wada degaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa si dadban ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta diidan habka uu Deni u wado arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa uu sheegay in habka doorashooyinka qofka iyo codka ah ee Puntland ay noqoneyso xukuumaddii ugu horreysay ee billaawda, balse ay jiraan dad waxmagarato ah oo isku dayaya inay dadka marin habaabiyaan.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray Madaxweynaha Puntland in marnaba aysan jirin cid hor-istaagi karta doorashooyinka qofka iyo codka ah, isla markaana go’aanka uu dambeeya uu kujiro gacanta dadweynaha.

Maalmo kahor Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siweyn u dhaliilay qorshaha Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ku doonayo inuu doorashada Puntland ku qabto, wuxuuna Xasan ka digay doorasho hal dhinac ah inay dhacdo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version