Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Dad ka qeyb galay Banaanbixii Muqdisho oo la Weeraray & khasaaraha

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday Bam-gacmeed oo lagu qaaday gaari ay saarnaayeen qaar kamid ah haweenkii ka qeyb galay banaanbixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee looga soo horjeeday Al-shabaab.

Weerarka Bambaano ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray haweenkii saarnaa gaariga oo kusii jeeday xilligaas xarunta degmada Dharkeenley.

Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka, halka qof kalena oo aheyd haweeney u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray weerarka, dadka dhaawacmay ayaa waxaa lagu dabiibayaa xaaladdooda Caafimaad Isbitaal ku yaal Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Haweeneyda Geeriyootay oo la oran jiray Fardowsa Maxamed Axmed ayaa lagu celiyey hoygeeda, iyadoo meyd ah, waxayna ifka kaga tagtay qoys ka kooban 9 caruur ah iyo aabahood, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka Banaadir ayaana xalay saqdii dhexe booqday hoyga, si ay ug tacsiyadeeyaan qoyska.

Dibedbaxii ka dhacay Muqdisho oo uu soo qaban-qaabiyey maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay shaqaalaha hey’adaha DF iyo kumanaan ka tirsan shacabka magaalada oo laga kala keenay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Exit mobile version