Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Mudug oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa Ka hadlay Colaada iyo dagaalka dhexmaray Beelo kasoo kala Jeeda Gobolada Sool iyo Mudug, Iyagoona ka digay Cawaaqib xumada dagaalku uu leeyahay Aakhiro iyo Adduunba.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Odayaasha ayaa ku Baaqay in Lasoo Afjaro Colaadaasi, Iyagoona sheegay inaysan Jirin wax ka wanaagsan Nabad oo la Helayo, Sidoo kale waxay ku baaqeen in dadka Colaada Kharash ku bixinaya ay Nabada ku bixiyaan ” Waa Arin Fool xun oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, Dhinacyada ay Khusayso waxaanu ugu Baaqaynaa in loo Istaago arintaasi”