Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Cumar Cabdirashiid oo kusoo laabtay Magaalada Muqdisho, kana hadlay…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ugu dambeysay sanadkii 2017, xilligaas oo markii uu xilka Ra’iisul Wasaarenimo wareejiyay dalka ka tagay.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta, Xildhibaano kamid ah dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu dalka u yimid, si uu uga mid noqdo kulamada Wadatashiga oo Caasimadda ka wadaan Midowga Musharaxiinta oo siweyn uga walaacsan doorashada socota.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa tilmaamay in dalka xiligaan uu ku sugan yahay xaalad Qatar ah u baahan in wax la qabto, isla markaana awoodii doorashada loo gacan geliyay maamul Goboleedyada, isagoona xusay in qaladaadka dhacaya ay salka ku hayaan habraacyadii hore loo soo saaray.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version