Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Burcad iyo Ciyaal weero dhibaato ka waday Muqdisho oo lasoo Bandhigay

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay Rag hubeysan oo burcad ahaa iyo Ciyaal weero aad u badan oo dhibaato ku haaya shacabka degmooyinka, kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in burcada iyo ciyaal weerarada la soo bandhigay lagu soo qabtay howlgalo ay ciidanka Boolisku ka sameeyeen qaar ka mid ah degmoyinka Muqdisho 24kii saac ee la soo dhaafay.

Degmooyinka laga soo qabtay burcada iyo Ciyaal-weerada ayaa waxaa ka mid ah Warta Nabada, Wadajir, Dharkeynley, Heliwaa iyo kaaraan sida uu sheegay afhayeenka Booliska.

Wuxuu intaas kusii daray Afhayeenka ragga la qabtay inay ku jiraan qaarkood lagu tuhmayo inay dilal u geysteen dad shacab ah oo dhac u geysanayeen, isla markaana ragga la qabtay sharciga la horgeyn doono, si dhibaatada ka jirta Magaalada looga baxo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version