Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Booliska oo ku dhawaaqay Howlgal gaar ah oo laga fulinayo Muqdisho

Kadib kulan looga hadlayay Amniga oo ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdosho Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir a ayaa waxaa ay kasoo saareen go’aano wax looga qabanayo amni darrada kusoo korortay Caasimadda iyo dilalka loo geeysanayo dadka Shacabka ah.

Taliye ku xigeenka qeybta guud ee booliska G/Banaadir ayaa sheegay in kadib kulankooda ay go’aamiyeen in Magaalada Muqdisho laga bilaabo howlgal guud oo lagu xaqiijinayo Amniga

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalkaas uu yahay mid lagu baab’in doono warshadaha Maandooriyaha lagu sameeyo oo u tira kooban iyo dadka iska leh iyo kuwa ilaaliya intaba..

Wuxuu sheegay in Kulanka oo uu shir guddoominayay Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole uu Ciidamada siiyay Amar adag oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa Kooxaha Burcadda ah ee dhac ka geysanaya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version