Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Booliska oo faah faahiyey Khasaaraha ka dhashay weeraradii Muqdisho

Taliska Booliska dowladda Soomaaliya ayaa faah faahiyey ka bixiyey khasaaraha ka dhashay weeraro loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo saqdii dhexe ee xalay lagu weeraray degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaam.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarka Koowaad oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray Saldhiga degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir, kaasi oo dhacay Abaaro 12:51 habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay.

Wuxuu sheegay Afhayeenka Booliska in weerarka kadib uu dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidanka Booliska dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday oo muddo ku dhow saacad ka dhex dagaalamayay gudaha Saldhiga Kaxda, kadibna ay isaga baxeen.

Sidoo kale Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in weerarka labaad oo isna loo adeegsaday gaari qarax laga soo buuxiyey lagu weeraray deegaanka  Daaru-salaam, uuna ka dhashay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version