Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Askari ka tirsan Ciidanka laga keenay Eritrea oo dilay Arday

Askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa duhurnimadii Maanta wiil Arday ahaa oo saarnaa Mooto Bajaaj ku dilay bartamaha isgoyska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laba Askari oo ka tirsan ciidanka laga keenay Eritrea, isla markaana watay Mooto laba lugaaley ah ay rasaas ay fureen ku dhacday wiilka Ardayga ahaa  oo isaga saarnaa Mooto Bajaaj.

Askarta ayaa la tilmaamay in rasaasta ay fureen doonayeen inay ku furtaan wadada isgoyska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho, oo xilligaas uu ka jiray ciriiri farabadan, maadaama ay isku xireen gaadiidka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Rasasta ay fureen Askarta ayaa qeybaha sare ee jirka uga dhacday wiilka Ardayga ahaa oo saarnaa Mooto Bajaaj, waxaana la sheegay inuu wiilka kasoo baxay xilligii la dilaayay Jaamacad uu dhiganayay, iyadoona Meydkiisa loo qaaday Xarunta CID-da.

Exit mobile version