Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: António Guterres oo Booqday Xero ku yaalla Magaalada Baydhabo

Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxayna booqasho ku tageen xeryaha Barakacayaasha ah ee ku yaalla ee magaaladaasi.

Booqashada António Guterres ayaa waxa ay aheyd mid uu ugu kuurgalayo xaaladda Banii’aadnimo iyo abaarta dalka kajirta ku tagay magaalada Baydhabo oo caasimad KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

António Guterres iyo Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa inta ay joogeen Baydhabo, waxaa ay soo indho indheeyeen xerada Barwaaqo, xaaladda Barakacayaasha iyo guud ahaan nolosha gobolka iyaga oo sidoo kale la kulmay maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Fiqi , waxaa uu si gaar ah u wareystay maamulka, barakacayaasha iyo danyarta kujirta xerada Barwaaqo iyaga oo la wadaagay nolosha halkaasi ka jirta iyo rajada.

António Guterres oo Ramadaan kasta booqda qaar ka mid ah dalalka Islaamka ayaa Ramadaankan yimid Soomaaliya isaga oo la kulmay madaxda dowladda Federaalka, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version