Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daacish-ta Somalia oo War kasoo saartay magacaabista hoggaamiyahooda cusub

Ururka Daacish ayaa  magacaawday hoggaamiyahooda cusub oo laga dhigay Sheekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi, kadib markii Daacish xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodii hore ee Abu Ibrahim Al-Qurashi oo bil kahor lagu dilay  weerar uu Mareykanka fuliyey.

Ururka Daacish ee Soomaaliya ayaa War kasoo saartay hoggaamiyaha cusub ee Daacisha magacaawday ee Sheekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi, kaasi oo shalay lagu dhawaaqay magacaabitiis.

Farriin Qoraal ah oo Twitter-ka lagu faafiyey ayaa Daacish-ta Soomaaliya ku taageereen magacaabista Sheekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi, isla markaana balan qaaday inay daacad u ahaandoonaan hoggaamiyaha cusub  ee Daacish.

Daacish-ta Soomaaliya ayaa farrintaan kasoo dirtay saldhigooda ugu weyn Soomaaliya oo ay ku leeyihiin buuraleyda Gobolka Bari ee maamul Goboleedka Puntland.

Exit mobile version