Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidanka Yuhuuda oo toogasho ku dilay Dad Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Daanta

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil caafimaad, ciidamada Israel ayaa Isniinta maanta ah dhulka la heysto ee Daanta Galbeed ku dilay nin Falastiini ah.

Ciidanka booliska ee sida milatariga oo kale u tabaran ee Israel ayaa sheegay in ciidanka dhar-cadda ay rasaas ku fureen nin Faralstiini ah oo xirnaa walxaha qarxa, kaddib marki uu kusoo dhawaaday aagga xadka.

Ururka Islamic Jihad ee Falastin ayaa bayaan ay soo saareen tacsi ugu diray qoyska ninka la dilay, hase yeeshee ma bixinin faah-faahin ku saabsan in uu iyaga ka tirsanaa iyo in kale.

Dhanka kalana, Ururka Xamas ayaa ku eedeeyay maamulka Falastin in ay ka danbeeyaan, dilka saddex xubin oo iyaga ka tirsanaa oo Axadi shalay lagu dilay, iska hor-imaad ka dhacay xerada Falastiiniyiintu daganyihiin ee Burj al-Shemali ee dalka Lubnan.

Laba sarkaal oo ka tirsan Hamas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay dilka xubnaha ka tirsanaa Xamas ee ka dhacay Lubnan.

 

Xigasho: VOA Somalia

Exit mobile version