Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano cusub

Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21aad oo gacan ka helaya Dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug.

Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas.

Dagaalamaayasha Al-Shabaab ee horay u jooogay  deegaankaas ayaa isaga baxay shalay, waxaana hataan si buuxda degaankaas gacanta ugu haya ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee Saaka naga soo gaaraya ayaaa sheegaya in Ciidanku ay wali wadaan howgallo kala duwan oo isugu jira Miina-baaris iyo baaritaanada xaafadaha deganadaasi.

Exit mobile version