Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidanka NISA oo xalay howlgal ku qabtay xubno shaki weyn laga qabay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Howlgalkaas oo lagu bartilmaameedsaday Guryo ku yaalla xaafaddo gaar ah ka tirsan magaalada Baydhabo ayaa lagu soo qabtay xubno looga shakiyay inay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab

War kasoo baxay Taliska Nabadsugida Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka howlgalka laga fuliyay Xaafadaha kala ah Bardaale, Isha  iyo Wadajir uu yahay mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo ammaanka magaalada.

“Ciidanka Hay’ada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgallo joogta ah ka wado guud ahaan Koonfur Galbeed si loo adkeeyo amniga deegaanka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida Koonfur Galbeed.

Saraakiisha hay’ada NISA ayaa sheegay inay howlgallada noocan ay sii wadi doonaan ilaa deegaannada koonfur galbeed lagaga saarayo Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaannada Maamulkaas.

Exit mobile version