Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidanka Milateriga oo saaka Al-shabaab kala wareegay tuulooyin dhowr ah

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ururka Al-shabaab.

Ciidamada Milateriga dowladda ayaa arroornimadii hore ee saaka oo Arbaco ah la wareegay tuulooyinka kala ah Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasi oo dhammaantood ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele ee Shabeellaha Dhexe.

Deegaanadaan ayaa ahaa kuwa muhiim ah, waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay howlgalka la isugu furayo degmooyinka Gobalka Shabeellaha Dhexe, sidoo kalan Al-shaaab looga ciribtirayo dalka oo dhan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dhawaan Al-shabaab ka qaban doonaan deegaano dhowr ah oo ku jirto degmada Aadan Yabaal oo ah Saldhiga ugu weyn Al-shabaab ee Gobolka.

Exit mobile version