Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha Puntland oo galay shil khasaaro dhaliyey

Inta la xaqiijiyay afar askari ayaa ku dhintay, Todoba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in shilkaas uu si gaar ah uga dhacay dalcadda Karin-dhiig oo ku taalla inta u dhexeeysa degmad Dangoroyo iyo tuulada Libaaxo oo ka tirsan Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.

Dhaawacyada askarta ayaa loo qaaday isbitaallada ku yaalla Caasimadda Garoowe.

Ciidanka ayaa hordhac u ahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hadda ku sugan Boosaaso laguna wado in uu ku soo laabto Magaalada Garoowe, wuxuuna halkaas ka wadaan kulamo kala duwan.

Exit mobile version