Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidanka Dowladda oo Maanta Al-shabaab ka qabsaday degaano dhowr ah oo muhiim ah

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa maanta Al-shabaab ka qabsaday degaano badan oo ku teedsan jiinka Wabiga Shabeelle ee mara degmada Balcad, waxayna caawa galeen tuulooyin badan oo hoos-yimaada Jowhar.

Ciidankaan oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Xaadoole, sidoo kalane ay la socdaan Saraakiil uu kamid yahay Yaasiin Geedi, Guddoomiye Maxamed Deeq Geedow iyo Abshir Kaaraan ayaa qabsaday degaanada kale ah, Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Mansaale

Sidoo kale ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay qabteen inkabadan 30 dagaalame oo katirsan kooxda Al-shabaab, sida ay sheegeen qaar kamid ah saraakiisha amaanka ee ku sugan aaggaas.

Al-shabaab ayaa hadda Balcad ka joogo oo kaliya Basra iyo degaano kale oo ku dhaw kadib markii ay dhawaan kasoo baxeen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya

Dhinaca kale waa jiho ama aag kale oo u baahan in ay howlgal ay ka sameeyaan ciidanka dowladda si Balcad ay uga mid noqoto degmooyinka ka nabadoon Al-shabaab.

Exit mobile version