Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidanka Dowladda oo howlgal qorsheysan ku dilay Madaxdii Jabhada Al-shabaab

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degaanka Ceel-Cuni oo qiyaastii 65-km ujira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ,waxaa la sheegay in ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab iyo dagaalyahano la socday.

Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Col. Cali Xabad ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka ku dileen sarkaal sare oo Al-shabaab katirsan iyo dagaalyahano la socday oo ay xogtooda heleen.

Waxa uu sheegay in sargaalka ay ciidamada milatariga dileen oo lagu magacaabayay Maxamuud Nuur Gacal (Sheekh Af-Sima) uu ahaa madaxa Jabhada Gobolada Baay iyo Bakool, waxa uuna xusay in lala dilay sargaalkaasi 10-dagaalyahan oo kale.

Al-shabaab ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay Milatariga Soomaaliya, mana jiro ilo madax banaan oo xaqiijiyay sheegashada ciidanka milatariga ee ku aadan dilka sargaalka katirsan Al Shabaab iyo ciidanka la socday.

Exit mobile version