Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab kala wareegay degaano hor leh

Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka oo weli howlgallo ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay Al-Shabab ah kala lawareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Howlgalka oo la qaaday xalay saqdii Dhexe ayay Ciidamadu kula wareegeen degaannads Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, Isla markaana kuyaalla wadada xiriirisa Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgallada ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Ururka Al-Shabaab, Isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.

Dhinaca kale Ciidamo ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan & Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa ka socda degaano hoostaga degmada Maxaas, iyaga oo sidoo kale la wareegay degaano dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan dalka uga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, waxaana Gobolada ka socda dagaalo khasaaro dhaliyey iyo kacdoono looga soo horjeedo Shabaab.

Exit mobile version