Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidanka Amniga oo Maanta Muqdisho toogtay Nin dil geysan rabay

Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo Maanta doonayay inuu dil ka geysto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan degmada Waaberi ayaa toogasho lagu dilay, kadib markii la arkay qorshaha halista ahaa ee uu damacsanaa.

Ciidanka amniga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Nabadsugida ee dharcadka ayaa barqanimadii Maanta ku toogtay Ninka hubeysnaa oo watay Bastoolad.

Ninkaas oo ciidamada ku toogteen degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir ayaa ku hubeysnaa Bastoolad uu qorsheeynayay sida la sheegay inuu ku dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, hasa yeeshee ay ka hortageen laamaha ammaanka.

Ciidamada amniga gobalka Banaadir ayaa xoojiyay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ay socdaan baaritaanno iyo barro lagu koontaroolo gaadiidka si looga taxadaro qatar walba amniga lid ku ah.

Exit mobile version