Qaar ka mida Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya ee Tababarka u jirey Dalka Ereteria ayaa xalay dib loogu soo celiyay Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasi oo kasoo degay Garoonka Muqdisho.
Diyaarad Milatari ayaa lagu soo qaaday waxayna ka soo dejisay Garoonka Diyaaradaha Adan Abdulle International Airport ee Muqdisho halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan iyo saraakiil ciidan.
Sida aan xogta ku helnay Ciidamadaan ayaa ah kuwa Badda loo tababaray, islamarkaana dhawaan uu booqday Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu socdaal ku tagay magaalada Asmara.
Kumaan Ciidamo Somaaliyeed ah ayay Dowada Ereteria u tababartay Soomaaliya kuwaasoo qaar ka mida hore dalka loogu soo celiyay sanadkii hore islamarkii Xasan Sheekh dib loo soo dooray.