Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidamo kala dhex galay Maleeshiyaad uu dhexmaray Dagaal khasaaro dhaliyey

Ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ayaa kala dhex galay dad reer guuraa ah oo dagaal culus ku dhexmareen maalmihii la soo dhaafay deegaano Galbeedka kaga beegan Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Galmudug, kuwa Nabadsugida iyo Ciidanka Booliiska oo gaarey deegaanka Kaxandhaalle oo ah halka dagaalka ugu culus ka dhacay ayaa amnigiisa waxa si rasmi ah ugu wareegay ciidanka kumaandooska Soomaaliyeed ee GorGor.

Ciidamada ayaa hadda ku hawlan dejinta qorshihii lagu kala rari lahaa maleeshiyaadka dagaalku dhex maray oo wali ku sugan aagag aan ka fogeyn goobihii dirirtu ku dhex martay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay deegaanka kaxan-dhaale, waxaana la xaqiijiyay in dagaalada ku geeriyoodeen dad ku dhow 10 qof, halka tiro kalena ay dhaawacmeen.

Dagaalka dhexmaray maleeshiyo beeleedka ayaa waxaa uu salka ku hayaa arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo horey uga dhacay degaano hoostego Balanbale ee Gobolka Galgaduud, iyadoo sanadihii dambe ee Gobolkaas kusoo laab-laabteen dagaal beeleedyo…

Exit mobile version