Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidamada Israa’iil oo weerar ka dhacay Daanta Galbeed ku dilay falastiiniyiin

Labo qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay in ciidamada Israel ay xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen xaafadda Al-Yasmina ee magaalada Qadiimiga ah ee Nablus, waxayna halkaasi ku dileen Muhamad Azizi, oo 25 jir ah iyo Abdul Rahman Jamal Suleiman Sobh, oo 28 jir ah.

Sida laga soo xigtay Ururka Bisha Cas ee Falastiin, ugu yaraan 12 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi ay fuliyeen ciidamada Israa’ii;,waxaana dadka la dhaawacay ku jira hal ruux oo ay culus tahay xaaladdiisa caafimaad.

Naser Estitya, oo 60 jir ah,isla markaana derid la ah qoysas la weeraray  ayaa sheegay in uu maqlay rasaas ka dhacaysa gudaha dhismo ay si qasab ah ku galeen ciidamada Israa’iil.

Exit mobile version