Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidamada Dowladda oo gacanta kusoo dhigay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubaland, ayaa Gacanta ku soo dhigay Saraakiil ugu sareeyo Al-Shabaab ee Gobolka Jubadda Hoose kadib dagaal ay kula wareegeen tuulooyinka hoostaga degmada Jamaame.

Intii ay Ciidamada howlgalka kujireen ayaa Cagta mariyeen gooba gabbaad u ahaa Maleeshiyaadka Al Shabaab, halkaas oo loogu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha  hoggaamineysa Ciidamada ayaa sheegay inay dagaalka ku qabteen lix kamid ah Saraakiisha sare oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay dileen 10 kale.

Sida ay shegeen Ciidamada waxaay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degmooyinka iyo degaannada ay weli kaga dhumaleeysanayaan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada xoooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa inta badan howlgallo Wadajir ah ka fuliya degaano iyo degmooyin kuyaalla gobolada Jubbooyinka.

Exit mobile version