Site icon HORUFADHI MEDIA |

Cabdullaahi Kullane oo Maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Kursiga Saddexaad ee doorashada Golaha Shacabka ee ka socota Magaalada Dhuusamareeb ayaa la doortay, iyada oo Maanta qorshuhu yahay in la qabto doorashada Afar Kursiga.

Kursiga HOP#040 oo ay horay ugu fadhisay Nadiifo Faarax Jaamac ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Adan Kulane oo ah Sarkaalkiisa awooda badan ee NISA, kadib markii uu tanaasulay Xasan Cabdi Jaamac oo la tartami lahaa.

Cabdullaahi Adan Kulane ayaa cod gacan taag waxaa ugu codeeysay dhamaan ergada Goobta fadhisay oo aheyd 101 Ergo, waxaana Guddiga doorashooyinka ay sheegeen in Kursiga HOP#040 uu ku guuleystay Cabdullaahi Adan Kulane.

Goordhow ayaa la guda galay doorashada Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Maanta ee Hop#053 oo uu ku fadhiyo Faarax Cabdi Xasan, balse kursigaan waxaa loo bedelay qoondo Dumar, waxaana ku tartami doona 7 Haween ah, kuwaas oo kala ah.

1: Raysal Qorane Abshir

2: Xaajiyo Axmed Gaas

3: Ubax Cabdi Cali

4: SamSam Xassan Diiriye

5: Farxiyo Cabdullaahi Shiikhdoon

6: Hani Cabdi Gaas

7: Fahmo Caabi Guureeye

Exit mobile version