Site icon HORUFADHI MEDIA |

Burundi oo shaacisay khasaaraha Ciidankooda kasoo saaray weerarkii Al-shabaab

Dowladda Burundi ayaa ka hadashay khasaaraha kasoo gaaray weerarkii shalay Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in weerarkii Saldhiga Ceelbaraf looga dilay 30 askari laga dilay, 22 kalena laga dhaawacay, halka tobaneeyo kalena la la’yahay, waxaana sidaas Wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Burundi.

Ciidamada AMISOM ayaa u diray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah kadib weerarkii subaxnimadii hore ee shalay lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi oo ku dhow deegaanka Ceel-Baraf.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay sheegteen in weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka ATMIS ee Burundi ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ku dileen 173 Askari, tabaneeyo kalena lagu dhaawacamay weerarka.

Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa hore u Cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee shalay Al-shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Shabeellaha Dhexe.

Exit mobile version