Site icon HORUFADHI MEDIA |

Booliska oo gacanta ku dhigay Nin arrin Naxdin leh ku sameeyay Gabar yar

 

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay gacanta kusoo dhigay Nin si arxan darro ah tacadi ugu geystay gabar yar oo kunool degmada Kaaraan ee Muqdisho.

Ninka oo muuqaal uu soo duubay soo dhigay baraha Bulshada ayaa waxaa lagu arkay isaga oo gabadha tacadiyo u geysanayo, uuna siiyay daroogo bedeshay gabadha.

Taliye Ku xigeenka labaad ee Booliska booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen oo Qoraal soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in Ninka laga soo qabtay degmada Kaaraan, isla markaana lagu xiray Saldhiga degnada.

Sidoo kale, Zakiya ayaa tilmaamtay in Ninka gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono sharciga, waxayna u mahadcelisay Bulshada Soomaaliyeed oo Xogta Eedaysanaha la wadaagay Booliska.

Exit mobile version