Site icon HORUFADHI MEDIA |

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Doorashooyinka Puntland & khilaafka

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa taageeray doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay doorashada oo u dhexeeysa Madaxweyne Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.

War-saxaafadeed kasoo Beesha Caalamka ayaa waxaa dowlad Goboleedka Puntland ee xubinta ka ah Dowladda Federaalka lagu boggaadiyay sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.

“Saaxiibdu waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixiyay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan taariikhiga ah ee doorashada tooska ah” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale Wakiilada ayaa ku dhiirigeliyay dhammaan daneeyayaasha doorashada Puntland inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon, iyo in wax laga qabto su’aalaha ama khilaafaadka iman kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hanaanka sharciga.

“Saaxiibdu waxay rumeysan yihiin in khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah ay wax bari karto oo ay dhiirigelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan, ee heer kasta oo dowladeed. Saaxiibda waxaa weli ka go’an inay taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Warka Beesha Caalamka ay kasoo saartay doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Exit mobile version