Site icon HORUFADHI MEDIA |

Beesha Caalamka oo ku Baaqday in si Nabad ah lagu dooro Guddoonka Golaha Shacabka

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dalbaday in si nabad ah ay ku qabsoonto doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo Maanta lagu wado inay ka dhacdo Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaanka Garoonka Aadan Cadde.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay doorashadii Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11-aad iyo labadiisa ku-xigeen oo shalay ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka.

Sidoo kale Wakiilada ayaa ugu baaqay dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta.

“Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka” ayaa lagu yiri Warka kasoo Beesha Caalamka.

 

Exit mobile version