Site icon HORUFADHI MEDIA |

Beesha Caalamka oo hal shuruud ku xirtay bixinta lacagta Doorashada Golaha Shacabka

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa shuruud ku xidhay bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya  ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaadeen.

Waxay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad-goboleed, sidoo kalena qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul Goboleedyada ayaa horay u dalbaday in la siiyo lacagta doorashada si ay u bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha Shacabka.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inay dhawaan si rasmi ah uga bilaabato degaanada maamul Goboleedyada dalka, iyadoo ay socdaan diyaar garoowyon kalan duwan…

Exit mobile version