Site icon HORUFADHI MEDIA |

Calanka Somalila oo Maanta laga taagay Boorama & Rabshado ka dhacay

Banaanbaxyo rabshado watay ayaa Maanta ka dhacay magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, kaasi oo ay dhigeen inta badan dadka deegaanka oo ahaa kuwo aad u careysan, kana soo hoejeeday Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

Dadka dhigaayay banaanbaxa ka dhacay Muqdisho ayaa sidoo kale ka careesnaa dil askari ka tirsanaa ciidanka Somaliland u gestay Arbacadii sarkaal katirsanaa ciidanka Somaliland oo lagu magacaabayay Khadar Maxamed Caynaanshe.

Qaar kamid ah Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in ay wadayaan isku soo baxooda ilaa laga toogto askariga dilka u geestay Khadar Caynaanshe oo shalay Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Milateriga Somaliland dil toogasho ku xukuntay.

Dhinaca kale Ciidamada maamulka Somaliland ayaa rasaas nool nool u adeegsanaya dadka dhigaya banaanbaxa ,kuwaa oo laamiyada qaar ku gubaya taayaro, waxaana rasaasta ay ridayeen ciidamada ka dhashay khasaaro soo gaaray dibad baxayaasha qaar.

Banaanbaxan ka dhacay magaalada Booraame ayaa u eg kii bilooyin kahor ka bilowday magaalada Laascaanood ee markii dambe isku bedelay dagaal ciidanka Somaliland looga saaray gudaha magaaladaas oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidanka SSC.

Exit mobile version