Site icon HORUFADHI MEDIA |

Axmed Madoobe & Mustafe Cagjar oo ka wada hadlay saddex Qodob

Madaxweynaha Soomaali Galbeed Mustafa Muxumed Cumar Cagjar ayaa xalay Magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdigiisa booqashada ku jooga dalka Itoobiya.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxaa inta uu socday lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horay ula kulmay Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga tallada haya ee Barwaaqo Aadan Faarax iyo Wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya, Axmed Shidde.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu kulan la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo siyaasad ahaan muddooyinkii dambe aysan isku wanaagsaneynin, iyagoona haatan qorsheynaya inay heshiis kala saxiixdan.

Madaxda Soomaali Galbeed ayaa gacan ka siinaya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe sidii uu ula kulmi lahaa Abiy Axmed, waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe rabaa xilligan in Itoobiya la sameesto isbaheysi cusub.

Exit mobile version