Site icon HORUFADHI MEDIA |

Antonio Guterres oo War kasoo saaray Weerarkii Al-shabaab ee Saldhiga Ceelbaraf

Antonio Guterres oo ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay weerarkii Al-shabaab maalin kahor ku qaadeen Saldhig Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Xoghaye Antonio oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa waxaa uu tacsi ugu diray qoysaska dadkii lagu laayay weerarka oo u badnaa Askar ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Burundi, isagoo Caafimaad u rajeeyay dadkii la dhaawacay.

“Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” Ayuu yiri Antonio Guterres.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu boggaadiyey dhammaan ciidamada ATMIS, isla markaana waxaa uu u mahadceliyay adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa Beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Exit mobile version