Site icon HORUFADHI MEDIA |

António Guterres oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho & xogta safarkiisa

António Guterres oo ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa waxaa lagu wadaa inuu todobaadkan gudihiisa booqasho ku yimaado magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana safarkaasi uu qeyb ka yahay safaro sanadle ah uu ku tago dalalka ay ku badan yihiin dadka muslimiinta.

Guterres ayaa wareysi uu siiyay laanta Afka carabiga ee warbaahinta Qaramada Mdioobe ku sheegay inuu tegayo Muqdisho, isla markaana safarkiisa sanadlaha ee bisha Ramadaan  uu doortay inuu  snadkaan ku yimaado giudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Inta uu ku sugan yahay Soomaaliya waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Soomalaiya, kuwa hay’adaha Qaramada Midoobe,. Ururada bulshada rayidka iyo ciidamada ATMIS ee taageerada ka helo UN-ka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe António Guterres ayaa waxaa la tilmaamay inuu xanbaarsan yahay fariin culus oo uu ku baaqayo midnimo iyo nabad, isagoo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee loo qabo xasilloonida gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen sida Soomaaliya.

António Guterres ayaa horey 7 bishii Maarso ee sanadkii 2017 booqashadii ugu horeysay ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana booqashadan oo aan weli mudeynin ay noqon doontaa markii uu labaad ee uu booqdo Somalia tan iyo markii loo magacaabay xilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay.

Exit mobile version