Site icon HORUFADHI MEDIA |

Al-shabaab oo weeraray degaan uu ka socday diyaar garoowga Doorashada Kenay

Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay weeraro ku qaadeen degaano hoostego Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana weerarada kadib dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Weerarka koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Ilie oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Kenya, kuwaasi oo sheegay inay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab, ayna khasaaro gaarsiiyeen.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in weerarka labaad ay Al-shabaab ku qaaday deegaan hoostega Magaalada Mandheera oo ay ka socotay diyaara garoowga ololaha doorashada dalka Kenya, isla markaana ay ku sugnaayeen dad waday olole doorasho.

Khasaaro kala duwan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarada, in kastoo aan la xaqiijin tirada khasaaraha inta uu la egyahay, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ay hadlayaan weerarada Al-shabaab.

Si kastaba weerarada ka dhacay gudaha dalka Kenaya ayaa waxaa ay kusoo aadayaan, iyada oo Maanta dalkaas ay ka dhaceyso doorashada Madaxtinimada, ayna magaalooyinka Kenya ka socdaan diyaar garoowyo kala duwan oon ku aadan doorashada.

Exit mobile version