Site icon HORUFADHI MEDIA |

Al-shabaab oo weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Magaalo & faah faahin

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka oo Jimco ah waxaa ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, waxaana weerarka kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Weerarka kadib ayaa waxaa dhacay dagaal xoog leh oo dhexmaray Ciidanka daraawiishta Galmudug, maleeshiyaad is abaabulay oo deegaanka ah iyo Al-shabaabkii weerarka kusoo qaaday Baxdo oo ay degan yihiin Ciidamo ka tirsan Ahlusunna.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalkii dhacay oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray, waxaana dadka deegaanka Magaalada ay sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxyada iyo hubka la isdhaafsanayey.

Si rasmi ah looga oga khasaaraha jira, maadaama inta uu socday dagaalka ay hawada ka baxday Isgaarsiintii deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in deegaanka ay aadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug oo gurmad ah.

Exit mobile version