Site icon HORUFADHI MEDIA |

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Xarardheere & Faah faahinta helay

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay waxa ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo kamid aheyd degmooyinkii dhawaan Shabaabka ay ka qabsadeen ciidanka xoogga dalka.

Illaa 6 madfac ayaa lagu weeraray Saldhig ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin Xarardheere, kuwaasi oo ay dadka deegaanka sheegeen inay maqlayeen jugtooda ayna cabsi ku abuurtay, maadaana xilli saq dhexe ah madaafiicda lasoo tuuray.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen xaafaddo ay Xarardheere ka degan yihiin dad shacab ah, halka kuwo kalena ay ku dhaceen banaanka saldhiga ciidamada ee degmadaas, weli lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay howlgalo ka wadaan deegaano hoostaga Xarardheere iyo gudaha degmada, waxaana saraakiisha howlgalka ku jira laga soo xigtay in ujeedka howlgalka uu yahay mid amni xaqiijin ah.

Degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay, waxaana haatan si wadajir ah uga howlgala ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Exit mobile version