Site icon HORUFADHI MEDIA |

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland ku leeyihiin duleedka Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaal kooban ayaa labada dhinac ku dhexmaray saldhiga oo ku yaalla halka lagu Magacaab Koran-uusle oo u dhaw Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyooday hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Jubbland, waxaana goobta la weeraray ay kamid tahay meelaha laga ilaaliyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo, waxaana meel u dhow ku sugan Ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Inta badan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay fuliyaan Ururka Al-Shabaab halka Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland au dhankooda fuliyaan howlgallo ay degaano kula wareegaan.

Exit mobile version