Site icon HORUFADHI MEDIA |

Al-shabaab oo sheegtay inay Qarax ku dishay Injineer u dhashay dalka Shiinaha

Kolonyo galbineysay Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo shaqo u jooga dalka Kenya ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay qarax xoogan lagula eegtay inta u dhaxeeysa deegaannada Ijaara iyo Sangaa’ilow ee Magaalada laamu ee dalkaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo gaaray Ciidamo ka tirsan Kenya oo la socday gaari kamid ahaa kolonyada la qarxiyey ee galbineysay Injineer, iyagoona la qarxiyey, xilli ay socdaal ku marayeen deegaanka Sangaa’ilow.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looga oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, in kastoo la xaqiijiyay oo kaliya inuu jiro khasaaro, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan qaraxaas dhacay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxaas lala beegsaday kolonyada la qarxiyey ee galbineysay Injineerka u dhashay Shiinaha oo shaqo u jooga Kenya, iyagoo xusay inay weerarka ku dileen Injineerka.

Exit mobile version