Site icon HORUFADHI MEDIA |

Al-Shabaab oo la wareegtay boqolkiiba 60 degaanada Maamulka Mandheera

Maamulka Mandheera ee gobolka waqooyi Barri ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay badi la wareegeen deegaannada ismaamulka Mandheera ee Kenya, oo haatan gacanta ay ku heyso kooxdaasi.

Guddoomiyaha ismaamulka Mandheera Maxamed Aadan Khaliif oo ka hadlaayay  kulan amni ayaa sheegay in Al-Shabaab boqolkiiba 60 kamida ismaamulka ay gacanta ugu jirto, isla markaana arrintaas ay saameyn ku yeelatay bulshada kunool Gobolka.

Guddoomiye Maxamed Khaliif ayaa tilmaamay in Shabaabka ay falal amni darro ka geysanayaan qeybo kamid ah Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, wuxuuna ku baaqay in loo istaago sidii looga hortagi lahaa falalka ay kooxda wado.

Hogaamiyayaasha deegaanada ay saameeyeen weerarada Al-shabaab ayaa ka wada hadlay weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab.

Hoggaanka maamul goboleedyada Mandhera, Wajeer, Garissa iyo Lamu ayaa sheegay in kulanka ka sokow laga soo saaray go’aamo ku saabsan sida looga hortagi karo Al-Shabaab, ay ku baaqeen in bulshada laga wacyigeliyo sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha taageera kooxdan.

Exit mobile version