Site icon HORUFADHI MEDIA |

Al-shabaab oo isaga baxay degaan ka tirsan Galgaduud iyo Ciidamo kusii jeeda

Wararka aan ka heleyno deegaanka Xiindheere oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay ay deegaankaasi isaga baxeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo muddo dhowr sanno ah ku sugnaa deegaankaas.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyey in gebi ahaan Al-shabaab ay isaga tageen Xiindheere, isla markaana ay rarteen qalabkoodii ay yaallay, sidoo kalena ay burburiyeen dhammaan Saldhigyadii ay deegaanka ku lahaayeen.

Sababta ay Al-shabaab uga baxeen Xiindheere ayaa ah, kadib markii ay ka warheleen inay kusoo wajahan yihiin Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo gelinkii dambe ee shalay ka ruqaansaday Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamada oo watay gaadiidka nooca dagaalka iyo hub badan, lana abaabulayey maalmihii lasoo dhaafay ayaa xalay gaaray halka loo yaqaano God Shilling oo kaabiga ku haya degaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan kuwa horkacaya ciidamada dowlada ayaa sheegay iney Xiindheere ku waabariisan doonaan, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Al-shabaab ay qaraxyo ku aaseen goobaha ay ciidamadu ka geli karaan degaankaas.

Exit mobile version