Site icon HORUFADHI MEDIA |

Al-shabaab oo dib u qabsaday degaan muhiim oo ay isaga baxeen Ciidanka Dowladda

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Maanta dib ula wareegay gacan ku heynta degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud oo dhawaan laga qabsaday, kadib markii degaanka ay isaga baxeen gebi ahaan Ciidankii dowladda Federaalka iyo kuwa macwiisleyda ah.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii markii hore lagu qabsaday deegaanka Baxdo ayaa warbaahinta u sheegay inay deegaanka isaga baxeen, isla markaana ay ku laabteen fariisimihii hore ay kaga sugnaayeen Gobolka Galagduud.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa kusoo warramay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gaaf wareegayaan deegaanka, isla markaana ay difaacyo ka sameysteen halkaasi. Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xalay ka soo baxeen deegaanka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u gurashada ay sameeyeen ciidamada dowladda, balse taliyihii hore ee ciidanka Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysay ciidanka xoreeyey Wabxo ayaa sheegay in marka looga soo baxay deegaanka uu bixiyey Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Exit mobile version