Site icon HORUFADHI MEDIA |

Al-Burhan oo diiday Arrin la xiriira Gen. Hemetti oo ay isku dhagan yihiin

Madaxa Golaha Milliteriga ee haya talada dalka Suudaan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo wareysi khaas ah siiyey Telefishinka Al-Hurra ayaa sheegay inuusan aqbalo doonin inuu la fariisto Taliyaha Ciiddanka Gurmadka Degdega Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo “Hemetti”.

Al-Burhan ayaa waxa uu xusay inuusan la kulmi doonin Jeneral Daglo oo uu ku eedeeyey inuu yahay Hoggaamiye Xisbi Mucaarad oo ku kacsan Dowladda Suudaan.

Labada Hoggaamiye ayaa la qorsheynayaa inay yeeshaan kulan Toos ah oo ay kaga wada hadlaan Dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Khartoum iyo magaallooyin kale.

Waraysiga uu Jeneral Al-Burhan siiyey  Telefishinka Al-Hurra TV waxa uu ku sharxay inuu horey ugu sheegay Jeneral Daglo haddii Khilaafkooda yahay mid Shaqsiyadeed inay labadoodaba ka degaan xilka ay ka hayaan Golaha Milliteriga haya Talada dalkaasi.

Dhanka kale, dowladaha South Sudan,  Ethiopia iyo Turkiye ayaa wada dadaal xal loogu helayo Colaadda u dhexeysa Labada Jeneral ee kala hoggaamiya Milliteriga Dowladda Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF.

Exit mobile version