HORUFADHI MEDIA |

AKHRISO:-PSF oo War kasoo saartay Dagaalka Magaalada Boosaaso

Saraakiisha Ciidamada Hay’adda PSF ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ilaa Maanta ay Magaalada Boosaaso kula galeen Ciidamada ka amar qaata Madaxweynaha Puntland, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda PSF ayaa waxaa lagu sheegay in weerar gardaro ah oo lagu jebiyay sharcigii iyo xeerarkii oo dhan ee u yaallay PSF & Puntland Ciidamadooda lagu soo qaaday muddo laba maalmood ah, balse ay iska difaaceen.

Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Deni inay diiday gartii ay u dhiibteen Isimada Puntland, isla markaana ay Boosaaso ka bilaabeen barakicin Bulsho, hayeeshee dhankooda ay kasoo horjeedeen colaada iyo dhibaatada Shacabka.

Ugu dambeyn PSF ayaa sheegtay in Dadkii ayagu argagixisadda ka tirsanaa oo ay bulshada ka difaacayeen haatan ku gabanaya xasaanadda dowladda marnaba ku eedayn karin, ,isla markaana Puntland naba-deeda iyo horrumarkeeda geed walba ay u harsadeen ayna kasii shageyn doonaan.

Exit mobile version