Site icon HORUFADHI MEDIA |

Akhriso:-Magacyada Xildhibaano cusub oo lagu doortay Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah ka dhacday doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Doorashada kursiga tirsgiisu yahay Hop-099 ayaa waxaa ku tartamay  laba Musharax oo kala ah Axmed Madoobe Nuunow iyo Cabdinasir Ibraahim Aadan, waxaana doorashada kusoo baxay  Axmed Madoobe oo helay 75-cod, halka Cabdinasir Ibraahim uu helay 25-cod.

Luul Ibraahim Cumar ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-168 ee xubinnimada Golaha Shacabka Baarlamaanka, iyadoo heshay codad gaaraya 86-cod halka musharaxii la tartamaysay Nasteexo Axmed Nuur ay heshay 15-cod.

Kursiga Hop-167 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdisalaan Cali Cabdi oo helay Codad gaaraya 74-cod, isla markaana waxaa doorashada kula tartamay Cabdi Maxamuud Maxamed, kaasi oo helay.

Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-077 ee xubinnimada Golaha Shacabka, isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdinaasir Cali Xasan uu heley 13-cod, hal Cod ayaa halaabay

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-186 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Cabduqaadir Cumar Macalin iyo Cabduqaadir Aadan Cali, waxaana doorashada ku guuleystay Cabduqaadir Cumar oo helay 75-cod, halka musharaxii la tartamayay Cabduqaadir uu isna heley 25-cod., 1-cod ayaa halaabay

Saalax Shariif Siid Cali ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-261 ee Xubinnimada Golaha Shacabka, isagoo heley codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayay ismaciil Shariif Cali uu heley 10-cod. 1-cod ayaa halaabay .

Exit mobile version