HORUFADHI MEDIA |

Akhriso:-Habraaca Doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland oo lasoo saaray

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa soo saaray habraaca doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee lagu waddo in maalinta berri ay ka bilaabato magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyagoo tixgelinaya Dastuurka KMG ee JFS, heshiisyadii iyo habraacii Madasha Wadatashiga soo saaray hannaanka loo marayo dooorashada Golaha Shacabka.

Xildhibaan kasta oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa lagu sheegay habraaca inay dooranayaa 101 Ergo, waxaana Musharax kasta ee u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka uu iska diiwaan-geliyo Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddiga aya shaaciyay in cid kasta oo lagu qabta laaluush, musuq-maasuq ama fal dembiyeed kale ay Guddiga doorashooyinka ka joojin doonaan howlaha doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Habraacada doorashada ee lasoo saaray

Exit mobile version