Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ahlusunna oo Duulaan ku ah Dhuusamareeb iyo dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda…

Wararka laga helayo degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay xoogaga Ahlusunna ee ku sugan ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo Ciidan, kaas oo siweyn loo dareemay.

Degaanka Bohol ayaa waxaa uu qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan yahay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ku sugan xoogaga Ahlusunna ee isaga baxay degmada Guriceel oo ay kula dagaalameen Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay bartiisa Facebook ku soo qoray “Ama Dhuusamareeb ama geeri, Insha’Allah, isaga oo sidoo kale sheegay in Ahlusunna hal go’aan leedahay.

Warar sidoo kale soo baxayay ayaa aheegayay in habeen ka hor ay tageen degaanka Gadoon ee duleedka Dhuusamareeb Ciidamo ka tirsan Ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Qaar kamid ah dadka kunool Magaalada Dhuusamareeb iyo degaannada hoostaga ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi ku aadan dhaq dhaqaaqyada hoggaanka Ahlusunna maadaama uu sababi karo dagaal dhexmara Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Exit mobile version