Site icon HORUFADHI MEDIA |

Agabka Doorashada Golaha Shacabka oo la gaarsiiyay Magaalada Jowhar

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa gaarsiiyay Magaalada Jowhar agabkii loogu talagalay Doorashooyinka xildhibaannada golaha Shacabka, iyada oo doorashadu ka bilaabmayso deegaannada Hirshabelle.

Maxamed Mukhtar Cali oo ah xubin ka tirsan guddi hoosaadka Diiwaangelinta guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Hirshabele ayaa la wareegay agabkaas loogu talo galay Doorashada Gollaha Shacabka ee magaalada Jowhar.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maalmihii udanbeeyay mid mid u gaarsiinayay maamul goboleedyada dalka agabka codbixinta iyadoo dhawaan la bilaabi doono doorashada xildhibaanada golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan gaarsiiyeen qalabka loogu tala-galay doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Magaaladaas, waxaana socda diyaar garoow ku aadan bilaabashada doorashada…

Exit mobile version