Site icon HORUFADHI MEDIA |

Aadan Madoobe & Cabdi Xaashi oo Maanta la kulmay Safiirka Ruushka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Amb. Mikhail Golovanov.

Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka labada baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Ruushka.

Safiirka ayaana dhambaal  salaan ah oo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ruushka Mudane Vyacheslav Volodin soo gaarsiiyay Guddoomiyaha, isagoona sheegay in la xoojiyo cilaaqaadka  labada dal.

Sidoo kale Danjire Mikhail Golovanov ayaa xusay In xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb galeen Shirka  Baarlamaanka Ruushka iyo Afrika, kaas oo looga hadlay xiriirka Saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Dawladaha Afrika iyo Ruushka si loo adkeeyo wada shaqeynta wadamada Afrika iyo Ruushka.

Dhinaca kale Guddoomiyaga Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa isna maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha la wadaagagay warbixin ku saabsan halka uu marayao xiriirka labadal, isagoo xusay in dowladda Raashiya Soomaaliya ay u tahay saaxiib dhow oo istaraatiiji ah, kana go’an tahay xoojinta xiriirka labadal iyo iskaashi dhexmara golayaasha Baarlamaanka labada dal

Exit mobile version