HORUFADHI MEDIA |

Aadan Madoobe oo Guddi u saaray Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa magacaabay Guddi gaar ah oo kasoo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumadu usoo gudbisay Golaha Shacabka BJFS.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu magacaabay Guddiga oo ka kooban 5-xubnood, kuwaasi oo kasoo kasoo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ay dhawaan ku gaareen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Golaha Wadatashiga ayaa heshiiska ka gaaray doorashooyinka dalka ka dhacaya, iyaga oo sheegay in doorashada ay noqoneyso mid cod iyo qof ah, sidoo kalena dalka uu yeelanayo laba xisbi siyaasadeed.

Heshiiska ayaa waxaa kasoo horjeestay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo siyaasiyiin farabadan oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka iyo xubno kale.

Exit mobile version