Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ajendayaasha Shirka 32-aad ee Madaxda Carbeed ee Maanta furmaya

Hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxay maanta oo Jimco ah kulankoodii 32-aad ku leeyihiin magaalada Jeddah ee Galbeedka dalka Sacuudiga.

Madaxda ku cusub ka-qeybgalka Shirarka Carbeed ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Syria,  Dr. Bashaar Xaafid Al-asad oo dalkiisa dibed-joog ka ahaa xayndaabka Carbeed tan  iyo sanadkii 2011-kii oo ay dalkaasi ka bilowdeen Dibadbaxyo isku bedelay Dagaal lagu hoobtay.

Xoghayaha Guud ee Ururka JC, Axmed Abu Qeyd ayaa  waxa uu sheegay in Shirka Carbeed ee Jeddah muujinayso Soo-laabashada buuxda ee dalka Syria ee Ururka Carbeed, isla markaana ay taasi fududeynayso Xalka Colaada ka jirta dalkaasi.

Dowladda Qatar ayaa ka biyo diidsan inuu Madaxweynaha dalka Syria dib uga soo muuqdo Madasha Shirka Madaxda Carbeed, mana muuqato inuu Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim ka soo qeyb geli doono Shirka Jeddah.

Dhanka kale, Dowladda Lubnaan oo aan weli la dooranin Madaxweyne cusub ayaa waxaa marnaan doona Kursiga Maamuuska Madaxweyne ee Shirkaasi. Ilo-wareedyo Siyaasadeed ayaa sheegay inay Madaxda Carbeed ansixin doonaan 32 Mashruuc Qaraar hor yaalla Shirkooda 32-aad, waxaana ka mid ah:

Madaxda Carbeed waxay kaloo ka hadli doonaan Qoddobo ku xiriirsan Iskaashiga Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Isbedelka Cimilada iyo  Amniga Guud ee Qowmiyadda Carbeed.

W/Q: Ustaad Nuuradiin

Exit mobile version